Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo weeraray laba saldhig oo militari


Shabaab
Shabaab

Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ayaa maanta weeraray laba saldhig oo militari oo ay ciidamada Soomaaliya ku leeyihiin gobolka Shabeellada Hoose, sida ay sheegeen saraakiil militari.

Kooxda weerarka qaadday ayaa adeegsanayey baabuur ay wadeen shaqsiyaad is-miidaamiyey, kadibna waxaa weerarka galay dablayda hubaysan ee Al-Shabaab

Saldhigyada la weeraray ayaa kala ah saldhigga Ceel-Saliini, oo qiyaastii 55 KM u jira Muqdisho iyo saldhigga ay ciidamada deegaanku ku leeyihiin magaalada Qoryooley oo 120 KM koonfur ka xiga Muqdisho.

Ciidamada AMISOM ayaa soo galay dagaalka oo caawimaad ka geystay in Shabaabka laga caabiyey weerarka Qoryooley kadib markii qof is-miidaamiyey uu baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyey ku dhuftay buundo tagta saldhigga.

“Argagixisada waxay soo weerareen saldhigyada Qoryooley iyo Ceel-Saliini, hase yeeshee wiilasheenna geesiyaasha ah ayaa iska caabiyey, khasaare xooggan ayaa gaaray Shabaabka, waxaana hadda si buuxda saldhigyada gacanta ugu haya ciidanka,” waxaa sidaas AFP u sheegay Maxamed Aadan oo ah taliye ka tirsan militariga.

Mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in ciidamada deegaanku ay qarxiyeen baabuur doonayey inuu isku qarxiyo buundada weyn, hase yeeshee waxaa la sheegay in Buundo Guduud oo ay maraan dadka rayidka ah lagu burburiyey miino lagu xiray.

Maxamed Aadan oo la hadlay AFP ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay gacan ka gaysteen in la iska caabiyo Shabaabka soo weeraray Qoryooley.

Wararka hordhaca ah ee ay helayso VOA ayaa sheegay in saddex ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab lagu dilay weerarka Qoryooley.

Dhinaca saldhigga Ceel-Saliini ayaa warar ay VOA heshay sheegayaan inay maleeshiyada Al-Shabaab galeen saacadihii hore ee saaka, kadibna gurmad loo diraya ciidamada dawladda ayna dib u qabsadeen.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda labada weerar, sidoo kale waxay Al-Shabaab sheegatay inay ku qabsadeen agab militari.

Weriyaha VOA-da Maxmed Colaad Xassan ayaa khadka taleefanka ee Qoryooleey kula xiriiray guddoomiye ku xigeenka degmada Cabdi Axmed Cali, wuxuuna ugu horeyn weydiiyay faahfaahinta dagaalka magaalada ka dhacay.

Al-Shabaab oo weeraray laba saldhig oo militari
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:11 0:00


XS
SM
MD
LG