Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weriye iyo xubno kale oo Shabaab ah oo la xukumay


Muunye iyo Saciid

Maxkamadda ciidamada ee magaalada Muqdisho ayaa min 10 sano oo xabsi ah ku xuukuntay laba nin oo lagu helay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.

Cabdulqaadir Suufi Muunye iyo Saciid Cumar Cabdullaahi ayaa lagu soo eedeeyey inay kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaayeen tuullada Mareerey oo hoos timaada degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Maxkamadda ayaa sidoo kale xukun ku ridday Xasan Luqmaan, oo lagu eedeeyey inuu la shaqeynayey warbaahinta Al-Shabaab, lagana qabtay Muqdisho, ayaa sidoo kale lagu xukumay 8 sano oo xabsi ah.

Warbixintan waxaa Muqdisho nooga soo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle

please wait

No media source currently available

0:00 0:01:45 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG