Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gabar kufsi iyo dil loogu gaystay gobolka Awdal


Deegaan miyi ah oo ka tirsan degmada Lughaya oo ay ku nool yihiin dadka xoolo dhaqatada ah ayaa loogu gaystay kufsi iyo dil gabadh 18 sano jir ah, 16-kii bishan, sida ay sheegeen ciidamada booliiska.

Booliisku waxay sheegeen in dilka iyo kufsiga loo gaystay marxuumad Shukri Yuusuf.

Taliyaha ciidanka Booliska Gobolka gaashaanle sare Cabdiraxmaan Nuur Colhaye ayaa u sheegay idaacada VOA in falkaasi kufsiga iyo dilka ah uu ka dhacay deegaanka Tuurka oo ka tirsan Lughaya ee Gobolka Awdal.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay inay gacanta ku hayaan eedeysane lagu tuhmayo inuu falkaas gaystay.

Haashim Sheekh Cumar Good ayaa warbixintan kasoo diray Boorama.

Gabar kufsi iyo dil loogu gaystay Awdal
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:02 0:00


XS
SM
MD
LG