Allaha u naxariistee weriye Cabdiweli Cali Xasan “Cabdiweli Online” oo shalay ay dabley hubaysan ku dileen magaalada Afgooye ayaa maanta lagu aas-aasay duleedka Muqdisho.
Ururrada u dooda xuquuqda saxaafadda iyo dawladda Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareeyey dilka weriyaha.
Dilka weriyaha ayaa yimid wax ka yar toddobaad u kadib markii Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ay warbixin ay soo saartay ku sheegtay in suxufiyiinta Soomaaliya “la haysto,” wajahayaan qaraxyo, garaac, weeraro iyo xarig.
Soomaaliya ayaa muddo ahayd mid ka mid ah dalalka ugu halista badan ee suxufiyiinta ay ka howl-galaan, ayaga oo wajahayey laba halis oo kala ah kasoo waramidda dagaallada, iyo sharciyo adag oo ay soo rogaan mas’uuliyiinta.
Warbixintan waxaa Muqdishu nooga soo diray Xasan-Kaafi Qoyste.