Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xukun Xabsi ah oo lagu Riday Mas'uul ka Tirsanaa Maamulka G. Banaadir


Maxkamadda milatariga ee Soomaaliya ayaa xabsi saddex sano ah ku xukuntay mas’uul ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir kadib markii lagu helay inuu hore uga tirsanaan jiray ururka Al-Shabaab.

Nuur Cali Axmed oo loo yaqaan Mahad Alle ayaa ahaa sii haya agaasinka shaqaalaha ee maamulka gobolka Banaadir. Mas’uulkan ayaa sidoo kale la sheegay inuusan soo marin habka diiwaangelinta la marsiiyo dadka ka baxay ururka Al-Shabaab.

Warkan iyo qarax ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa noo haya wariyaha VOA ee Muqdisho Xassan Kaafi Cabdiraxmaan Qoyste.

Mas'uul saddax sano oo xabsi ah lagu xukumay
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:59 0:00


XS
SM
MD
LG