Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya: Diyaarad Daadisay Doon-doonista Jehad Mostafa


Magaalada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa waxaa saaka duyuurad aan la aqqoon dalka laga leeyahay ay ku daadisay waraaqo lagu qoray magaca Jehad Serwan Mostafa oo uu Mareykanku aad u doon doonayo.

Jehad ayay Al-Shabaab ugu yeeraan Axmed Gurey waana qofka ugu daraja sarreeya ee shaqsiyaadka Mareykanka u dhashay ee ku biiray kooxaha argagixisada ee debedda ka dagaalama. Waxa uu ka tagay magaalada San Diego ee gobolka California ee Mareykanka, si uu ugu biiro kooxda Al-Shabaab.

FBI-da Mareykanka ayaa madaxa Jehan ku dooneysa lacag dhan shan milyan oo doolllarka Mareykanka ah iyo degenaansho la siiyo qofkii soo gudbiya xogta sahli karta in la qabto Jehad Serwan Mostafa.

Haddaba, waraaqahan lagu daadiyey magaalada Diinsoor ayaa waxaa warbixintan nooga soo diray wariyaha VOA, Mukhtaar Maxamed Catoosh.

Waraaqo lagu daadiyey Diinsoor
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:38 0:00


XS
SM
MD
LG