Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amnesty: "Suxufiyiinta Somalia cabsi ayey ku nool yihiin"


Amnesty International logo

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixin ay maanta soo saartay ku sheegtay in suxufiyiinta Soomaaliya “la haysto,” wajahayaan qaraxyo, garaac, weeraro iyo xarig.

Soomaaliya ayaa muddo ahayd mid ka mid ah dalalka ugu halista badan ee suxufiyiinta ay ka howl-galaan, ayaga oo wajahayey laba halis oo kala ah kasoo waramidda dagaallada, iyo sharciyo adag oo ay soo rogaan mas’uuliyiinta.

Hase yeeshee xaaladda ayaa iminka kasii dareysa, sida lagu sheegay warbixinta Amnesty oo cinwaan looga dhigay “Waxaan ku noolnahay cabsi joogto ah.”

Amnesty ayaa sheegtay in suxufiyiinta Soomaaliya ay halis ka wajahayaan dhinac kasta, sida weerarada kooxda Al-Shabaab iyo dowladda caalamku uu taageero ee Soomaaliya.

Sida warbixinta ay tiri, ugu yaraan sided suxufi ayaa lagu dilay Soomaaliya tan iyo sanaddii 2017, ayada oo ugu yaraan sideeda kale ay dalka uga carareen cabsi ay u qabaan noloshooda.

“Ka bad-baadidda qaraxyo baabuur, in la toogto, la garaaco, loo xiro si sharci-darro ah, suxfiyiinta waxay ku shaqeynayaan xaalado argagax leh,” waxaa sidaas yiri Deprose Muchena, oo ah madaxa Amnesty ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Dowladda Soomaaliya weli jawaab kama bixin eedeymaha ka dhanka ah ee lagu sheegay warbixinta Amnesty.

Wariyaha VOA-da ee Nairobi Khadar Maxamud Xareed ayaa warbixintaasi ka wareystay Cabdullahi Xassan oo ah cilmi-baaraha Hay'adda Amnesty ee arrimaha Soomaaliya.​

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:30 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG