Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Is-rasaaseyn maanta ka dhacday Kismaayo


Kismaayo
Kismaayo

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland ayaa sheegaya in is-rasaaseyn kooban ay maanta halkaasi ku dhex martay ciidamada amniga Jubaland iyo kuwa taabacsan Cabdinaasir Seerar, oo horay u sheegtay in uu yahay madaxweyne.

Ilo-wareedyo ku suggan magaalada ayaa VOA-da u sheegay in israsaaseyntan ay timid ka dib markii maleeshiyo taabacsan Seeraar ay isku dayeen inay ka gudbaan wado u xirneyd ciidamada ammaanka magaalada, murran kadibna ay is-rasaaseyn kooban dhex martay.

Wali majirto khasaare ka dhashay isku dhacaas la soo sheegay, waxaase uu ku soo beegmay iyadoo maanta uu magaalada Kismayo tagay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan hogaanka Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa.

XS
SM
MD
LG