Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mas'uuliyiinta Mandera oo dalbaday inuu ka baxo Janan


Mandera County, Kenya
Mandera County, Kenya

Siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta kale ee Gobolka Mandera ayaa ugu baaqay dawladda Kenya inay hubka ka dhigto ama waddanka ka saarto Wasiirka Amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo maalmahan ku sugnaa degaanka Mandera.

Xildhibaannada gobolka laga soo doorto iyo Badhasaabka Gobolka Mandera Cali Rooba oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inaysan aqbali karin ciidamo hubaysan oo ka yimid dhinaca Soomaaliya, oo uu wato Cabdirashiid Janan inay degaankaasi joogaan.

Waxay sheegeen in dawladda Kenya looga baahan yahay inay hubka ka dhigto. Siyaasityiinta qaar ayaa ugu baaqay dawladda Kenya inay ka saarto gobolka Cabdirashiid Janan iyo ciidanka uu wato.

Cabdirashiid Janan ayaa warar laga helay ilo kala duwan ay sheegayaan inuu joogay degaankaas kadib markii ciiddamada dawladda Soomaaliya la dhigay magaalada Beled Xaawo.

Cabdirashiid Janan ayaa dhowaan ka baxsaday goob ay dawladdu ku haysay oo ku taalla magaalada Muqdisho, isagoo xilligaasi kadib u safray Kismaayo kadibna gaaray magaalada Nayroobi.

Hay’adda xuquuqda aadanaha iyo dawladda Soomaaliya ayaa labaduba ku eedeeyey Cabdi Janan inuu galay “dambiyo culus”, waxayna ka codsadeen Kenya inay qabato Cabdirashiid Janan isla markaana u gacan geliso Soomaaliya. Cabdirashiid Janan ayaa codad uu soo duubay ku beeniyey eedaha loo haysto.

Warbixintan waxaa Gaarisa kasoo diray Maxamed Faarax Shire.

Mas'uuliyiinta Mandera oo dalbaday inuu ka baxo Janan
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:27 0:00


XS
SM
MD
LG