Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxamuud Sayid Aadan oo ka Hadlay Xaaladda Baladxaawo


Degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa lagu soo waramayaa in maalintii shalay uu askari ku dhintay halka laba kalana ay ku dhaawacmeen ka dib markii uu isku dhac dhex maray ciidamada dowladda ee dhowaan halkaasi lagu daadgureeyey iyo ciidamada maamulka Jubbaland oo horey halkaasi usii joogay.

Magaalada ayaa laga dareemayaa cabsi maadaama ay labada dhinac ku ka kala sugan yihiin goobo aan sidaas usii kala fogeyn.

Haddaba, waxaa dhinacyada ku sugan ee khilaafka uu ka dhaxeeyo ka mid ah madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, oo la arkayey asaga iyo wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janana oo ay dowladda federaalku doon-doonayso oo wada socda.

Sahra Cabdi Axmed ayaa khadka telefoonka ee Baledxaawo kula xariirtey madaxweyne kuxigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ugu horeyntiina waxaa ay waydiisey halka uu kaga sugan yahay magaalada?

Wareysi M/weyne kuxigeenka Jubbaland
please wait

No media source currently available

0:00 0:10:30 0:00


XS
SM
MD
LG