Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duqeyn ka Dhacday Jubbada Dhexe oo Lala Beeegsaday Al-Shabaab


Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in laba duqeyn oo ay Khamiistii la soo dhaafay la beegsadeen dhismo ay Al-Shabab ku leeyihiin meel ku dhow deegaanka Jilib ee gobolka Jubada Dhexe ay ku dhaawaceen laba ka mid ah maleeshiyadii Al-Shabab ee halkaa ku sugnaa.

“Duqeymaha noocan ah, waa kuwo aan gacan uga geysanno ka hor tagista in Al-Shabab ay sameystaan meelo gabbaad u ah oo ay ka soo abaabulaan weeraro dhimasho dhaliya oo ka dhan ah Mareykanka iyo saaxibadiisa Bariga Africa,” sidaasina waxa qoraalka AFRICOM ku yiri Gen. Bradford Gering, oo ah ku xigeenka Agaasimaha Howlgalada ee Taliksa Milatariga Mareykanka ee Africa.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in qiimeynta weerarkaasi ee uu Mareykanku ilaa iyo hadda sameeyay ay muujineyso in saldhigaasi ay Al-Shabaab lahaayeen la burburiyay, laba ka mid ah maleeshiyadii halkaa ku sugnaana ay dhaawacmeen.

Qoraalku waxa uu intaasi ku daray in ilaa iyo hadda aysan jirin cid rayid ah oo weerarkaasi wax ku noqotay.

Mareykanka ayaa duqeymo cirka ah si joogta ah uga fuliya Soomaaliya iyagoo la beegsada maleeshiyada Al-Shabaab ee inta badan ku sugan gobolada jubbooyinka, shabeelooyinka iyo meelo ka mid ah gobolada dhexe, Baay iyo Bakool.

Waxaa kaloo ay duqeymo la beegsadaan maleeshiyada Daacish ee ku dhuumaaleysta buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland.

XS
SM
MD
LG