Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo duqeyn cusub ka fuliyey Soomaaliya


Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay duqayn cusub ay maanta ka gaysatay Soomaaliya.

Duqayntan ayaa lala beegsaday xubin ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo ku sugnaa degaanka Beer Xaani oo ku yaalla Galbeedka Kismaayo.

Taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in duqayntan lagu dilay xubintii lala bartilmaameedsaday.

Maraykanku waxa uu sheegay inaysan wax rayid ah ku dhimanin weerarkan.

Waa duqayntii lixaad ee Marayanku ka gaysto Soomaaliya sannadkan.

XS
SM
MD
LG