Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shil ay ku dhinteen lix qof oo ka dhacay Togdheer


Sawirro: Magaalada Burco, Somaliland

Degmada Galoolay oo ka tirsan gobolka Togdheer waxa maanta 12-kii duhurnimo ka dhacay shil gaadhi oo ay ku dhinteen lix qof, oo afar ka mid ah ay yihiin dumar, labada kalena rag.

Shilkaas ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 5 qof, oo mid ka mid ah dhaawciisu culus yahay. Dhaawacii iyo meydkiiba waxa la geeyey isbitaalka guud ee magaalada Burco.

Gaadhiga waxaa saarnaa 11 qof oo ilmo yar oo dhabta lagu hayey ku jirey.

Taliyaha ciidamada taraafikada magaalada Burco Jaamac Ismaaciil Cali ayaa Cabdixaafid Cawil Ismaaciil uga waramay shilkan iyo sida ay wax u dheceen.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:07 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG