Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askar dil iyo dhaawac loogu gaystay Boosaaso


Boosaaso

Hal askari ayaa dhintay mid kalena waxaa soo gaaray dhaawac kadib markii kooxo hubeysani ay rasaas ku fureen duhurnimadii maanta bartamaha magaaladda Boosaaso, sida ilo wareedyo u sheegeen idaacadda VOA.

Kooxdii dilka geystay ayaa baxsaday, sida ay goobjoogayaal u sheegeen VOA, mana jirto wax war ah oo laamaha ammnigu ay ka soo saareen dilka iyo dhaawaca.

Askarta dilka iyo dhaawaca loo geystay ayaa ka tirsanaa ciidanka boolis ah oo la shaqeynayey WAAXDA canshuuraha berriga ee wasaaradda maaliyada Puntland.

Askariga dhaawacmay ayaa lagu daaweynayaa Isbitaalka magaaladda Boosaaso, mana aha markii ugu horeysay ee dil caynkan oo kale ah loo geysto ciidamo ka tirsan Puntland.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG