Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Booliska Soomaaliya oo codsaday soo qabashada Janan


Booliska Soomaaliya
Booliska Soomaaliya

Booliska Soomaaliya ayaa dalbaday Waaran Caalami ah, oo ay doonayaan in lagu soo qabto wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), oo dhammaadka bishii tagtay ka baxsaday magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay booliska ayaa lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay arrinkaas xiriir kala sameysay Hay’adda Boliiska Caalamiga ah ee INTERPOL, si loogu maxkamadeeyo eedaysanahan lagu soo oogay danbiyo la xiriira tacadiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka iyo ku tacaddiga muwaadiniin aan waxba galabsan.”

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhiggeeda dalka Kenya ka codsatay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo qabato, una soo wareejiso eedeeysane Cabdirashid Xasan Cabdinuur (Janan), arrinkaas oo “xoojinaya dadaallada heer Gobol ee ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo adkeynta xasilloonida.”

“Nidaamka Cadaaladeed ee dalkeenu waxa uu leeyahay habraacyo munaasib ah oo ku saleysan dhageysiga iyo xaqiijinta dacwadaha, iyadoo la dhowrayo xuquuqda aasaasiga ah ee aadanaha, sidaas darteed ma ahan wax la aqbali karo in eedaysane baxsad ka ah caddaaladda uu gabbaad ka dhigto dal daris ah.”

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inuu Cabdirashiid Janan ka baxsaday goob lagu hayey 28-kii Janaayo, isla markaana waxa uu 31-kii Janaayo ka degay magaalada Kismaayo isagoo isla maalintaas diyaarad ku tagay dalka Kenya.

XS
SM
MD
LG