Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shan ku Dhimatay Qarax ka Dhacay Degaanka Xaawa Cabdi


Shan qof ayaa ku dhimatay qarax 3-dii bishan ka dhacay degaanka Xaawa Cabdi ee u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye, kaas oo lala eegtay baabuur ay saarnaayeen dad rayid ah.

Babauurka ayaa la sheegay inuu ahaa nooca Kaarib. Dadka dhintay ayaa sarkaal sare uu VOA u sheegay inay ku jireen lammaane masaafo ka yimid magaalada Wanlaweyn. Waxaa kale oo dadka dhintay ku jiray gabar ay saaxiib ahaayeen labada qof, dareewalkii iyo qof ay ehel ahaayeen oo kasoo raacay Wanlawayn, sida ay VOA u sheegtay gabar weriye ah oo ay ilmo adeer yihiin dareewalka iyo qofka rakaabka ahaa.

Dhinaca kale, ugu yaraan Afar qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay lix kalena way ku dhaawacmeen baabuur ahaa nooca loo yaqaan Caasiga oo qarax miino lagula eegtay jidka u dhexeeya magaalooyinka Afmadow iyo Dhooble ee Gobolka Jubbada Hoose shalay.

Dadka degaanka ayaa VOA u sheegay in baabuurkan ay la socdeen dad rayid ah oo u socday aroos.

Dadka ku dhaawacmay qaraxan ayaa la sheegay in la geeyey cisbitaalka magaalada Dhoobley.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, inkastoo degaanka uu qaraxu ka dhacay la ogyahay inay si xooggan uga hawlgalaan maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Maraykanku waxa uu dhinaca kale sheegay shalay inuu hawlgal kale ka gaystay Koonfurta Soomaaliya. Ilaa haatan Waxaa Soomaalia ka dhacay 6 hawlgal tan iyo biliwgii sannadka, kuwaasi oo shan ka mid ah ay yihiin duqaymo.

XS
SM
MD
LG