Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wakiilkii UCID ee Guddiga doorashooyinka oo is-casilay


Xisbiyada Somaliland

Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in uu is-casilay wakiilkii xisbiga UCID ee mucaaradka ah u qaabilsanaa guddiga doorashooyinka ee Somaliland Xasan Yuusuf Ducaale.

Is-casilaadda xubintan ayaa waxaa VOA-da u xaqiijiyay madaxda xisbiga UCID.

Arrintan ayaa imanaysa iyada oo uu soo jiitamayay muranka ku aaddan dhismaha guddiga doorashooyinka, kaas oo ay hore uu u qaadacay xisbiga muacaaradka ah ee Waddani.

Is-casilaadda xubinta UCID ka dib waxaa guddiga doorashooyinka isugu soo hadhaya xubnaha ay soo kala magacaabeen, Madaxweynaha, Golaha Guurtida iyo Xisbiga talada haya ee Kulmiye…

Dhammaystirka dhismaha guddiga doorashooyinka ayaa ahayd caqabadda ugu weyn ee hortaagan qabashada doorashada golaha wakiilada iyo deegaanka, waxaana hore ugu taliyay in la kala diro ergada dhexdhexaadinta oo ku talisay in la soo celiyo guddidii hore.

Beesha caalamka ayaa iyaguna dalbanayay in la fuliyo talada ay soo jeediyeen ergada dhexdhexaadinta.

XS
SM
MD
LG