Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afar qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Jubbada Hoose


Ugu yaraan 4 qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay lix kalena way ku dhaawacmeen baabuur ahaa nooca loo yaqaan Caasiga oo qarax miino lagula eegtay jidka u dhexeeya magaalooyinka Afmadow iyo Dhooble ee Gobolka Jubbada Hoose maanta.

Dadka degaanka ayaa VOA u sheegay in baabuurkan ay la socdeen dad rayid ah oo u socday aroos.

Dadka ku dhaawacmay qaraxan ayaa la sheegay in la geeyey cisbitaalka magaalada Dhoobley.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, inkastoo degaanka uu qaraxu ka dhacay la ogyahay inay si xooggan uga hawlgalaan maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Dhinaca kale, afar qof ayaa ku dhimatay qarax maanta ka dhacay degaanka Xaawa Cabdi ee u dhexeeya Muqdishoiyo Afgooye, kaasi oo lalaeegtay baabuur ay saarnaayeen dad rayid ah.

Babauurka ayaa la sheegay inuu ahaa nooca Kaarib, waxaana la sheegay guud ahana inay saarnaayeen shan qof.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG