Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo ku Dhawaaqay Xaalad Deg Deg ah Ayax Dartii


Ayax guuraya
Ayax guuraya

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday xaalad deg deg ah, kaddib markii uu dalka ku baahay ayax baabi’yay dalagyo ku yaalla dhul beereed baaxad weyn.

Xaaladda ayaxan halista ba'an ku haya Soomaaliya ayaa uga sii dartay cunto yari dalka hore uga jirta, iyadoo Soomaaliya ay tahay mid ka mid ah dalalka ugu faqrisan uguna dayacan ee gobolka Geeska Africa.

War maanta oo Sabti ah kasoo baxay Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xaalad qaran oo deg deg ah dalka la geliyay, sababo la xiriira sare u kaca ku yimid xowliga uu ku socdo ayaxa oo khatar weyn ku ah cuntada Soomaaliya oo awalba aheyd mid aanan dalka ku filneyn.

Khubarrada ayaa sheegay in axaya ku habsaday Soomaaliya uu yahay natiijo ka dhalatay isbedelka cimiladda, iyadoo meelaha qaar uu si xoogan uga da’ay roobkii deyrta halka meela kalana uu ku yaraa ama ay abaari ku dhufatay.

Soomaaliya ayaa hadda noqotay dalkii ugu horreeyay oo ku yaalla Bariga Africa oo ku dhawaaqa xaalad deg deg ah, sababo la xiriira ayaxa. Dalalka Kenya iyo Itoobiya ayuu sidoo kale ayaxa fara ba’an ku hayaa.

Hey’adda Beeraha iyo Cuntada Aduunka ee FAO ayaa sheegtay in ayaxan uu noqday kii ugu xumaa ee ku habsada Geeska Africa muddo 25 sano ah.

Haddaba, Haaruun Macruuf ayaa xaaladdan deg-degga ah iyo halista ayaxa ka wareystay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid.

Wasiirka Beeraha Soomaaliya
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:37 0:00


XS
SM
MD
LG