Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo Weerartay Deegaanka Qalimow


Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay maanta iska difaaceen weerar culus oo uga yimid dhinaca Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Qalimow oo waqooyi kaga toosan magaalada Balcad ee Shabeellaha Dhexe.

Warar dhinaca amniga ah ayaa VOA u sheegay in dagaalkan ay ku dhinteen ilaa 11 ka tirsan ciidamada dawladda, halka 13 kalena ay ku dhaawacmeen.

Saraakiil u hadashay ciidamada dowladda ayaa sheegay in 7 ka tirsan malayshiyadii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday ay goobta ku dileen tiro kalena ay dhaaweceen.

Xaaladda degaanka lagu dagaalamay ayaa haatan ah mid degan, waxaana ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sidoo kale weerar loo adeegsaday hoobiyayaal isla maanta ku qaadday saldhig ciidmada dowladdu ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Geelow ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerar kaasi la mid ah oo loo adeegsaday hoobiyeyaal ayaa Al-Shabaab waxay ku qaadeen saldhig ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Garsaalo ee isla gobolkaasi, hase yeeshee lama soo sheegin khasaare.

XS
SM
MD
LG