Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi aan la Yeelannay Madaxweynaha Cusub ee Galmudug


Md. Axmed Cabdi Kaariye
Md. Axmed Cabdi Kaariye

Waxaa maanta magaalada Dhuusomareeb ka dhacday doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug oo uu ku soo baxay Axmed Cabdi Kaariye oo loo yaqaan Qoor-Qoor. Axmed Cabdi Kaariye ayaa helay 66 cod halka musharaxa ku soo xigay uu helay 9 cod oo keliya. Isla doorashada ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ayaa sidoo kale lagu doortay madaxweyne ku xigeen, waxaana loo doortay Cali Daahir Ciid oo helay 46 cod.

Madaxweynaha cusub ee Galmudug oo VOA la hadlay ayaa ka hadlay doorashadiisa iyo waliba khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhashay hanaanka ay ku timid doorashadiisu. Sahra Cabdi Axmed ayaa khadka telfoonka ee Dhuusomareeb kula xiriirtay waxaana ay weydiisay marka hore sida uu u arko doorashadiisa maanta.

Wareysi Madaxweynaha cusub ee Galmudug
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:48 0:00



XS
SM
MD
LG