Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Axmed Cabdi Kaariye oo ku Guuleystay Doorashada Galmudug


Qoor Qoor

Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinima maamul goboleedka Galmudug ee maanta ka dhacday magaalada Dhuusomareeb.

Doorashadan oo uu muran badan hareeyay, isla markaana ay qaaddaceen inta badan musharraxiintii ka qeybgalaysay, ayuu Qoor Qoor kaga guuleystay afar musharrax oo la tartantay, isaga oo helay codad dhan 66 cod.

Axmed Qoor Qoor ayaa soo noqday wasiiru dowlaha wasaaradda howlaha guud ee dowladda Soomaaliya isaga oo la sheegay inuu haystay taageerada xukuumadda federaalka ah.

Kooxda Ahlu sunna oo diidan habka ay dowladdu u waday maamul u sameynta Galmudug ayaa Kahmiistii la soo dhaafay magaalada kaga dhawaaqay madaxweyne ay sheegeen inuu Galmudug hogaamin doono muddo afar sano ah.

Dhanka kale, Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa ku adkeysanaya inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Galmudug uuna dhameysan doono muddo xileedkiisa.

Isla doorashada ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ayaa sidoo kale lagu doortay madaxweyne ku xigeen, waxaana loo doortay Cali Daahir Ciid oo helay 46 cod.

War saxaafadeed kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa u hambalyeysay Axmed Cabdi Kaariye doorashadiisa, waxaana safaaraddu ku baaqday in dhinacyada oo dhan ay u midoobaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha waddanka horyaalla.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG