Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cabdirashidi Janan oo maanta tegay Kismaayo


Kismaayo
Kismaayo

Wasiirka amniga maamulka Jubaland Cabdirashiid Xasan Janan, ayaa maanta tegay magaalada Kismayao, sida uu xaqiijiyey xafiiska madaxweynaha maamulka Jubaland.

Janan ayaa doon ku tegay dekedda Kismaayo, hase yeeshee doonta ayaa la rumeysan yahay inuusan ka raacin Muqdisho, ee uu kasoo raacay mid ka mid ah xeebaha ku dhow caasimadda.

Janan ayaan warkiisa la la’aa tan iyo 28-kii January, markaasi oo taliye ku-xigeenka booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen ay sheegtay inuu xabsiga ka baxsaday.

Howl-galka Janan uu ku tegay Kismaayo ayaa socday 48 saac.

Dowladda Soomaaliya ayaa Cabdirashiid Janan ka xirtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, 31-kii August 2019, xilligaas oo lagu eedeeyey dambiyo culus.

Dhinaca kalana Wasiirka Qorshaynta Jubaland Aadan Ibraahim Aw-Xirsi ayaa sheegay inuu iska casilay xilkiisii, isgaoo taasi oo uu ku sababeeyey in maamulku uu u dabbaal degay soona dhoweeyey qof baxsad ah oo uu ku eedaysan xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah, sida uu wasiirku hadalka u dhigay.

Haaruun macruuf ayaa arrintan ka waraystay Abshir Maxamed Cabdi "Abshir Colow” oo ah Agaasimaha Madaxtooyada Jubbaland.

Waraysiga Baxsashada Cabdirashiid Janan
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:17 0:00



XS
SM
MD
LG