Isku xirrada

War Deg-Deg ah

NISA oo 'qabatay' shabakad qaraxyada qaabilsan


NISA

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa sheegtay inay ciidamada amnigu soo qabteen shabakad wax qarxisa.

War qoraal ah oo la dhigay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in hawlgallo qorshaysan oo ciidanku ka fuliyeen Muqdisho 26-kii ilaa 28-kii bishaan lagu soo qabtay shabakad qaraxyada u qaabilsan Al-Shabaab.

NISA waxay sidoo kale sheegtay inay qabteen maaddooyinka qaraxyada laga sameeyo, waxayna intaas ku dartay in wada-shaqaynta shacbka iyo laamaha amniga ay sabab u ahayd soo qabashada shabakadda iyo maaddooyinka qarxa.

NISA waxay soo bandhigtay maaddooyinka qarxa, hase yeeshee ma aysan shaacinin magacyada dad ku jira shabakadda.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG