Xaaladda siyaasadeed ee maamul goboleedka Galmudug ayaa cakiran iyadoo ay jiraan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo is-bar-bar-yaacaya.
Maanta waxaa khudbado laga dhageystay musharaxiinta madaxweynaha oo hortagay baarlamanka Galmudug ee dowladda federaalka ay taageersan tahay, halka Ahlu-Sunna ay iyana sheegtay inay baralaman kale dhistay.
Beesha caalamka ayaa qoraal ay shalay soo saartay ugu baaqday in la sameeyo maamul deggan oo mid ah oo Galmudug leedahay.
Cabdulwaaxid Macallin Isxaaq ayaa warbixintan kasoo diray magaalada Dhuusomareeb.