Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhisme ay leeyihiin Al-Shabaab oo la 'duqeeyey'


drone
drone

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqyan cusub lala bartilmaameedsaday dhisme ay Al-Shabaab lahaayeen oo ku yaalla gudaha magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in iyadoo iskaashi lala samaynayo dawladda Maraykanka duqayntaasi lagu burburiyey dhismahaasi.

Illaa hadda lama sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay weerarkaasi.

Waa duqayntii labaad ee toddobaadlan gudihiis Maraykanku ka gaysto nawaaxiga magaalada Jilib. Maalintii Insiintii ayaa duqayn ka dhacday agagaarka Jilib lagu dilay xubin ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Dawladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay “inaan laga nasan doonin ilaa xubin kasta oo Al-Shabaab ah laga xoraynayo shacabka Soomaaliyeed.”

XS
SM
MD
LG