Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland oo Bilowday Diiwaangelinta Barakacayaasha iyo Qaxootiga


Somaliland ayaa bilawday diiwaangelinta dadka qaxootiga ah iyo kuwa magan-gelyada ku jooga magalooyinkeeda, iyadoo howshan ay qabanayso hay’adda Somaliland u qaabilsan qaxootiga iyo barakacayaasha.

Ujeedka ugu weyn ee diiwaangelinta ayaa ah sidii loo ogaan lahaa tirada rasmiga ah ee dadka barakacayaasha ah iyo kuwa ajaaniibta ah ee ku nool Somaliland kuwaasi oo aaney jirin tiro sax ah oo laga hayo.

Howlaha tirakoobka iyo diiwaangelinta ah ayaa waxaa ay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Somaliland ay kala kaashaneysaa hay’adda socdaalka dunida ee IMO.

Haddaba wariyaha VOA ee magaalada Hargeysa Khadar Maxamed Cakule ayaa arintan ka wareystay gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayasha Somaliland, Cabdikarim Axmed Maxamed.

Somaliland oo diiwaangelineysa qaxootiga
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:54 0:00


XS
SM
MD
LG