Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa kulamo gooni-gooni magaalada Nairobi kula yeeshay qaar ka mid ah madaxda mamaul-gobboleedyada Soomaaliya.
Madaxda safiirk la kulmay waxaa ka mid ah madaxweynayaasha Jubaland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.
Inkastoo aysan warbaahinta la hadlin haddana war uu soo saaray xafiiska safiirka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in safiir Yamamoto iyo hogaamiyeyaasha maamul gobboleedyada Soomaaliya ay ka wada hadleen arrimaha ammaanka iyo qorshaha doorashada soo socota.