Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamo qarax lagula eegtay jidka Balcad iyo Jowhar


Ciidamada
Ciidamada

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellda Dhexe ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay jidka u dhexeeya Balcad iyo Jawhar maanta.

Sida ay idaacadda VOA u sheegeen ilo wareed ku sugan magaalada Balcad, qaraxan ayaa lala beegsaday baabuur ay leeyihiin ciidamada dawladda oo marayey Degaanka Sayga oo Waqooyi ka xiga magaalada Balcad.

Qaraxan ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen askar dhowr ah. Gurmad ayaa la sheegay inuu socdo, kaasi oo lagu daadguraynayo askarta ku dhaawacantay qaraxaasi.

Wixii faahfaahin ah ee kusoo kordha warkan waan idiin soo gudbin doonaa Insha Allah.

XS
SM
MD
LG