Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo ka mid ah 10 dal oo isha lagu hayo 2020


Qarax
Qarax

Warbixin ay daabacday hay'adda ururinta xogta ku saabsan khasaaraha ka dhasha colaadaha ee ACLED, ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ku jirtaa 10 waddan, oo si gaar ah loo eegayo meelaha khilaafaadku ka jiro.

Rabshada maanta caalamka ka jiraa wey ka duwan yihiin kuwii waayadii hore, waxaana ugu darran meelaha ay colaaduhu ka aloosan yihiin in dowladaha ka jiraa aanay wada maamulin dhulka ay sheegtaan, iyaga oo aan qaarkood awood u lahayn halka qaarna aanay danba ka lahayn

Soomaaliya marka la eego, inkasta oo dhinacyo badan dagaal looga hayo Al-Shabaab, haddana kooxdan ayaa weli khatar ku ah dowlada madaxweyne Farmaajo iyo shacabka Soomaaliya, sida warbixintan lagu qorey.

Haddaba Cabdixaafid Cawil Ismaaciil ayaa Maxamed Caalin oo ka faallooda arrimaha Gobolka oo ku sugan dalka Finland weydiiyey bal sidda uu arko warbixintan ay daabacday hay’adan.

Soomaaliya oo ka mid ah 10 dal oo isha lagu hayo 2020
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:04 0:00


XS
SM
MD
LG