Machadka Heritage ayaa maanta soo saaray warbixintoodii sanadlaha ahayd, taasi oo ay kaga hadleen kuna soo uruuriyeen waxyaabihii ugu waaweynaa ee sanadkii dhamaaday Soomaaliya ka dhacay.
Warbixinta ayaa taabatay dhinacyada amaanka, siyaasada, dhaqaalaha , hanaanka doorashooyinka iyo qodobo kale.
Agaasimaha machadkan Cabdirashiid Khaliif Xaashi ayaa Wariyaha VOA Cabdixakiim Maxamuud Shirwac uga waramay warbixinta, waxaana uu ugu horeyn weydiiyay qodobada ay si gaar ah u taabanyso warbixinta.