Hooyo Amran Maxamed Cismaan Xalane, oo sheegtay in muddo bil ka badan ay waysaneyd gabadh ay dhashay oo lagu magacaabo Amaal Nuur Cismaan, ayaa tilmaamtay in illaa iyo hadda aanay xaqiijin karin bad qabka gabadheeda.
Hooyo Amran ayaa sidoo kale sheegtay in taliska booliska Soomaaliyeed ay u sheegeen in ay heleen Amaal ayna bad qabto.
Amran oo wareysi siisay VOA ayaa tilmaamtay in illaa iyo hadda aanay gabadhdeeda la hadlin ayna dowlada Soomaaliya ka dalbaneyso inay war sugan ka siiso gabadheeda.
Dhinac kale dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in gabadha ay dooddeedu taagan yahay ayna meel ku ogeyn, hooyo Amran Xalane-na ayna u ballan qaadin in gabadheeda ay la xiriiri doonaan.
Haddaba hoos ka dhageyso wareysiyo aan la kala yeelanay Hooyo Amran, iyo agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed.