Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddoomiyihii hore ee Qandala oo Boosaaso lagu Dilay


Dabley hubeysan ayaa xalay waxay toogasho ku dileen Guddoomiyihii hore ee degmada Qandala ee gobolka Bari Jaamac Maxamed Khuurshe xili uu marayey bartamaha magaaladda.

Goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay in kooxdii dilka geysatay ay baxsadeen.
Maamulka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin dilka guddoomiyihii hore ee degmada Qandala, mana aha markii ugu horeysay ee dilal noocaan oo kale ah ay ka dhacaan gudaha magaaladda Boosaaso

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka lagu dilay guddoomiyihii hore ee degmada Qandala.

XS
SM
MD
LG