Hay’adda Mareykanka u qaabilsan dhalashada iyo soo galootiga ayaa maalintii shalay ku dhawaaqday in ay muddo 18 bilood ah u kordhisay sharciga kumeel gaarka ah ee ay dalkan ku joogaan ku dhawaad kun qof oo Soomaali ah.
Jeylaani Xusseen oo ah madaxa gobolka Minnesota ee hay’ada u doodda xuquuqda dadka Muslimiinta Mareykanka ee CAIR oo dhawaan magaalada Washington u yimid sidii xaaladda Soomaalidan wax looga bedeli lahaa ayaa wariyaha VOA Falastiin Axmed Iiman uga warramay muddo kordhintan cusub.