Puntland ayaa ku dhawaaqday in 11-ka bisha danbe ee Febraayo la qisaasi doono 3-da nin ee lagu helay kufsi iyo dil magaalada Gaalkacyo ay ugu geysteen Caasha Ilyaas oo ahayd gabar 12 jir ah.
Ilyaas Aden, Caasha aabaheed, ayaa soo dhaweeyay go’aanka maanta ka soo baxay xeer ilaaliyaha Puntland, wuxuuna sidoo kale u mahadceliyay cid walba oo taageerro u muujisay.
Falka kufsiga Caasha Ilyaas ayaa waxaa si weyn uga cadhooday Somaalida ku nool gudaha iyo dibedda, iyagoo dalbaday in sharciga la marsiiyo dadkii falkaasi ka danbeeyey. Warbixintan waxaa Garowe ka soo diray Nuux Muuse Birjeeb.
Facebook Forum