Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askari lagu dilay magaalada Boosaaso


Ganacsiga Boosaaso
Ganacsiga Boosaaso

Wararka ka imanaya Puntland ayaa sheegaya in kooxo bastoolado ku hubeysan ay saaka barqanimadii toogasho ku dileen askeri ka tirsanaa ciidamada ilaalada wadooyinka ee Taraafikada.

Goobta uu dilku ka dhacay ayaa aheyd bartamaha magaaladda Boosaaso, waxayna si weyn ugu dhoweyd xarunta Dowladda Hoose ee Boosaaso.

Kooxdii falka dilka ah geystay ayaa baxsaday, sida ay goobjoogeyaal u sheegeen VOA, mana jirto wax war ah oo laamaha ammniga gobolka Bari ay weli ka soo saareen arrinta dilka ah.

Toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa gudaha magaaladda Boosaaso waxaa ka jiray dilal si is-dabajoog ah loogu khaarijinayey shaqsiyaad ka tirsanaa ciidamada maamulka Puntland, mana jirto ilaa iminka cid la sheegay in loo qabtay.

XS
SM
MD
LG