Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay Sh/Hoose


Ciidamada

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya ciidamada dawladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab uu maanta ka dhacay degaan u dhexeeya Afgooye iyo Wanlaweyn.

Dagaalkan ayaa dhacay kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay jidka u galeen ciidanka, iyaga oo adeegsaday qarax, kadibna jid-gal.

Wararka dhinaca amniga waxay sheegayaan inuu jiro khasaare soo gaaray askarta iyo maleeshiyada Al-Shabaab, iyo weliba gaadiidka dagaalka.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada ku lugta leh dagaalka ee dowladda iyo Al-Shabaab.

Warbixintan waxaa soo diray Mukhtaar Maxamed Catoosh

please wait

No media source currently available

0:00 0:01:26 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG