Allah ha u naxariistee Axmed-Kayse Xaaji Ducaale oo ka mid ahaa xubnihii soo saxiixay gobonimadii gobolada waqooyi sanadkii 1960-kii ayaa maanta ku geeriyooday dalka Mareykanka.
Axmed-Kayse oo sidoo kale ka mid ahaa baarlamaankii u horeeyey ee British Somaliland Protectorate ayaa markii midowgu dhacay sidoo kale ka mid noqday golaha wasiirada ee u horeeyey ee dawladii Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Allah ha u naxariistee Adan Cabdle Cismaan.
Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa warbixin ku saabsan taariikhdiisa inoo haya.