Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax dhowr qof ay ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho


Qarax ka dhacay Sayidka
Qarax ka dhacay Sayidka

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay, 15 kalena way ku dhaawacmeen qarax baabuur oo maanta ka dhacay bar kontorol oo ku dhow xarunta baarlamanka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogeyaal ayaa sidoo kale sheegay inay arkayeen dhowr baabuur oo dab uu qabsaday.

“Walxo qarxa ayaa laga soo buuxiyey baabuur isku dayey inuu ka gudbo barta kontorol, balse markii ciidamada ay ogaadeen oo uu sidaas sameyn waayey, ayaa qofkii waday uu is-qaxriyey.” Waxaa sidaas yiri Aadan Cabdullaahi oo ah sarkaal boolis oo la hadlay VOA.

Adeegga Amin Ambulance ee gurmadka deg degga ah ayaa VOA u xaqiijiyey in 15 qof ay ku dhaawacmeen qaraxa.

Cabdiraxmaan Maxamed oo markii uu qaraxu dhacay ku sugnaa dukaan goobta ka agdhow ayaa sheegay inuu arkay meydadka dhowr qof.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, ayada oo intaas ku dartay inay la beegsatay “xubno ka tirsan” Villa Somalia iyo baarlamanka.

Weerarka ayaa yimid 10 maalmood un kadib markii qarax ay Al-Shabaab ka fulisay Ex-Control Afgooye ee Muqdisho ay ku dishay 81 qof oo u badnaa shacab, 28-kii December.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo dirtay Seynab Abuukar

Qarax ka dhacay Muqdisho
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:06 0:00


XS
SM
MD
LG