Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland: Askar dil gaysatay oo dil lagu xukumay


Maxkamadda Sare ee ciidamada Puntland ayaa maanta waxay xukuno dil ah ku ridday saddex askeri oo horey uga tirsanaan jiran ciidamada Puntland, kuwaasoo horay u geystay dilal.

Waxaa kaloo ay maxkamadu dhegeysatay qaar ka mid ah rag horay Maxkamada Darajada Koowaad ee Maxkamadda ciidamadu ay xukun dil ah ku xukuntay, kuwaasoo ay ka mid yihiin rag loo haysto inay ka tirsan yihiin ururrada Daacish iyo Al-Shabaab.

Weriyaha VOA Fadumo Yaasiin Jaamac ayaa arrintaas waxay waraysi kala yeelatay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Sare Ciidamada Gaashaanle Sare Maxamuud Faarax Maxamed, waxayna ugu horay weydiisay xukunada ay maanta maxkamadu xukuntay.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:24 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG