Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saddex Mareykan ah oo lagu dilay weerarkii Manda Bay


Shabaab
Shabaab

Saddex qof oo ka tirsan waaxda gaashaandhigga Mareykanka ayaa lagu dilay weerar ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhig muhiim ah oo militeri, kaasi oo ciidamada Mareykanka ay u adeegsadaan dagaalkooda ka dhanka ah kooxaha xagjiriinta.

Weerarka shalay ka dhacay saldhigga Manda Bay ee ciidamada cirka ayaa sidoo kale lagu burburiyey dhowr diyaarado oo uu Mareykanku leeyahay iyo gawaari inta aan la iska cabin kooxda weerarka soo qaaday.

Weerarkaasi ayaa ahaa kii u horreeyey ee kooxdan ku xiran Al-Qacidda ay ku qaaddo ciidamo Mareykan ah oo ku sugan Kenya.

Afhayeenka ciidamada Kenya ayaa sheegay in shan dagaallame lagu dilay weerarka.

Kooxda xagjirka ah ee Al-Shababaab ee fadhigeedu yahay Soomaaliya ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan lagu qaaday saldhiggan, oo ay sida wadajir ah u isticmaalayeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya.

Weerarkan ayaa yimid maalmo yar uun ka dib markii ay maleyshiyaad Al-Shabaab ka tirsan ay saddex qof ku dileen weerar ay ku qaadeen bus marayey gudaha county-ga Lamu.

Warbixintan waxaa Nairobi kasoo diray Khadar Maxamuud Xareed

Saddex Mareykan ah oo lagu dilay weerarkii Manda Bay
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:34 0:00


XS
SM
MD
LG