Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaf oo Magacaabay Guddi Doorasho


Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa maanta magacaabay Guddi doorasho oo Galmudug ah. Talaabdan ayaa ka hor-imanaysa qorshaha maamul u sameyta ee ay horkacayso wasaradda arrimaha gudaha ee dowladda Somalia. Xaaf ayaa ku eedeeyay dowladda Somalia inay caqabad ku tahay dhismaha maamulka Galmudug. Cabduqaadir Maxamed Cabdulle ayaa wareysi kooban khadka taleefonka kula yeeshay Axmed Duaacle Geelle.

Dhinaca kale, waxaa Dhuusamareeb ka socda howlaha ay wadaan guddiga dhismaha maamulka Galmudug oo sheegay inay filayaan inay soo dhammeysitraan soo xulista xildhiaaanna Galmudug. Warbixintan waxaa soo diray CAbdiwaaqix Macalin Isaaq.

Dhageyso Madaxweyne Xaaf
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:07:13 0:00


XS
SM
MD
LG