Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamadda ciidamada oo dil ku xukuntay 7 Shabaab ah


Shuute
Shuute

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa toddoba nin oo ka tirsan Al-Shabaab ku xukuntay dil toogasho ah kadib dhagaysi ka socday Muqdisho muddo ka badan toddobaad.

Saddex ka mid ah toddobada dilka lagu xukumay ayaa joogay maxkamadda, halka afar kalena weli aan gacanta lagu dhigin.

Ragga dilka lagu xukumay waxa aku jira Maxamed Xaaji Axmed oo ku magic dheer Ilkacase, kaasi oo lagu eedeeyey inuu madax u ahaa amniyaatka dadka khaarajiya ee Al-Shabaab ee magaalada Muqdisho.

Mid siddeedaad ayaa lagu xukumay xabsi daa'im, halka gabadh lagu xukumay 15 sano oo xarig ah.

Dhammaantood waxa lagu helay inay gaysteen falal argagaixiso iyo ka mid ahaansho ururka Al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG