Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saddex maxbuus oo ka baxsaday Xabsiga Dhexe


Xabsiga Dhexe
Xabsiga Dhexe

Saddex maxbuus oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa maanta baxsaday, sida ay sheegayaan warar ay heshay laanta Af-Soomaaliga ee VOA.

Warka ayaa intaas ku daraya in mid ka mid ahaa maxaabiista dib loo soo qabtay, balse weli ay maqan yihiin labada kale.

Xubnaha baxsaday ayaa sidoo kale wararka ay sheegayaan inay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab, islamarkaana horey loogu riday xukunno.

Weriyaha VOA ee Muqdisho Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warkan kasoo diray Muqdisho.

Maxaabiis ka baxsatay xabsiga dhexe
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:22 0:00


XS
SM
MD
LG