Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaar ka mid ah dadkii lagu la'aa qaraxii Ex-Control oo la helay


Guddiga Gurmadka ee la sameeyey kadib qaraxii sabtidii ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay in 24 qof oo la la’aa la xaqiijiyey in shan ka mid ah ay ku dhinteen qaraxii dhacay, halka qof kale uu dhaawac soo gaaray, lix kalena la helay iyaga oo bed-qaba.

Tirada dadka la la’yahay ayaa xilligan ah 12 qof, sida guddiga uu sheegay.

Dhinaca kale, diyaarad milatari oo ay leedahay dawladda Qadar oo keentay qalab caafimaad isla markaana qaadaysa qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi, ayaa maanta timid Muqdisho.

Maalintii shalayna dawladda Turkiga ayaa qaadday 16 qof oo dhaawacoodu liitay, kuwaasi oo mid ka mid ah oo haweenay ahayd ay xalay u dhimatay dhaawicii soo gaadhay.

Dhinaca kale mas’uuliyiinta dawladda ayaa sheegay in tirada dhimashada rasmiga ah xilligan ay ka badan tahay 80, in kastoo mas’uuliyiinta qaarkood ay tirada intaasi ka badinayaan.

Dhinaca kalena dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay qaadday saddex duqaymood oo ka dhacay Gobolka Shabeellada Hoose shalay kuwaasi oo lagu dilay afar ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Maraykanku waxa uu sheegay in laba duqyamood oo ka dhacay Kuunyo Baroow ay dileen laba ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana ya burburiyeen laba baabuur, halka duqyan ka dhacday Caliyow Barrow ay ku dhinteen laba maleeshiyaad ah. Labada gooboodba waxay ku yaallaan gobolka Shabeellada Hoose.

Maraykanka ayaa sannadkan dhammaanaya Soomaaliya ka gaystay 63 duqaymood.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG