Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxii Ex-Control"


Af-hayeenka Al-Shabaab ayaa qoray inay ururku ka dambeeyeen qaraxii isgoyska Ex-Control. Cali Dheere ayaa hadalkan ka sheegay warbaahinta Al-Shabaab.

Goor sii horraysayna, hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in dal shisheeye "uu lahaa qorshaha" qaraxii 28-kii bishan ka dhacay Ex-Kontorool Afgooye ee duleedka Muqdisho.

“Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa dal shisheeye. “ ayaa lagu yiri qoraal ay NISA ku baahisay twitter-ka.

Qoraalka laguma xusan magaca dalka la tuhunsan yahay, balse hay’addu waxay sheegtay in weli baaritaanka uu socdo.

“Baariitaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka caalamka qaarkiis.” Ayey tiri NISA.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ugu yaraan 81 qof la xaqiijiyey inay ku naf waayeen qaraxaas, islamarkaana ay suurta-gal tahay in tirada ay intaas ka badato.

Haddaba eedda ay soo jeedisay NISA ee ku saabsan in qaraxa uu ku lug lahaa dal shisheeye ayaa Sahra Cabdi Axmed ay wax ka weydiisay Cabdirashidi Khaliif Xaashi Agaaismaha Machadka Heritage ee magaalada Muqdisho.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:17 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG