Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faafaahinta Qaraxii Ex-control Muqdisho


In ka badan 76 qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen qarax aad u culus oo maanta oo Sabti ah ka dhacay isgoyska Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Goob-joogayaal ayaa VOA u sheegay in gaari kuwa xamuulka ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa uu mar qura ku qaxray isgoyska Ex-control Afgooye, xilli ay safaf ku jireen islamarkaana ay is-dhaafayeen baabuur tiro badan oo ah kuwa rakaabka ee daabula dadweynaha.

Warar kale ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday xarunta canshuurta lagu qaado ee ku taalla isgoyskaasi.

Goob-jooge tagay halka qaraxu ka dhacay ayaa VOA u sheegay in isgoysku uu noqday “goob wada dhiig ah oo ay dhan walba ku firirsanaayeen hilbaha dadkii ku dhintay qaraxa.”

Dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay ayaa u badan rayid.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Filish oo goobta qaraxu ka dhacay booqday ayaa u sheegay wariyeyaasha in aysan hayn tirada rasmiga ah ee ku dhintay qaraxa hase ahaatee ilaa 90 qof ay dhaawacmeen.

"Inta badan dadka qaraxa ku waxyeeloobay waa dad aan waxba galabsan oo u badan arday jaamacadaha dhigata iyo rayyid kale," ayuu Gudoomiye Cumar Filish u sheegay suxufiyiinta.

Saraakiisha dowladda iyo kuwa gargaarka deg degga ah ayaa sheegay in tobaneeyo qof ay ku nafwaayeen qaraxa, balse dhimashadu ay mar walba sii siyaadi karto.

Qaraxan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid ka mid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, hase yeeshee qaraxyada noocaani oo kale ah ayaa waxaa looga bartay kooxda Al Shabaab.

XS
SM
MD
LG