Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xoghayaha Arrimaha Gudaha xisbiga UCID oo la xiray


Hargeysa
Hargeysa

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa galabta xiray xoghayihii Arrimaha Gudaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Maxamud Cali Hayste (RAMAAX).

Masuuliinta Xisbiga UCID oo ay VOA-du la xiriirtay ayaa xaqiijiyey Xadhiga Ramaax, iyadoo ay intaasi ku dareen in Xoghayihii guud ee Xisbiga UCID oo ugu taggay xarunta C. I. D ee Hargeysa oo uu ku xidhan yahay Ramaax loo diiday inay arkaan.

Masuulinyiinta booliska oo aan isku daynay in aan la xiriirno ayaanay noo suurto galin.

Dhinaca kale, waxaa maanta kulankii labaad ku yeeshay xarunta madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa Madaxweynaha Somaliland iyo Gudoomiyeyaasha labada Xisbi mucarid, iyagoo kaga wada hadlay sidii loo fulin lahaa heshiiskii laga gaadhay khilaafkii arrimaha doorashooyinka Somaliland.

Warkan waxa Hargiesa ka soo diray Khadar Maxamed Cakule

Kulan dhex maray Biixi, Faysal iyo Ciro
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:12 0:00


XS
SM
MD
LG