Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dilal xiisad abuuray oo maanta ka dhacay Jowhar


Dilal xiisad abuuray ayaa maanta ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Laba qof ayaa ku dhintay, mid kalena waa uu ku dhaawacmay falalkan oo ku billowday dil uu askari ka tirsan ciidamada HirShabelle u gaystay qof rayid ah.

Askariga ayaa la sheegay inuu dilay wiil suuqa magaalada ku iibinayey kallun, kadib markii uu diiday inuu siiyo lacag shan kun oo shillin Soomaali ah.

Dilkaas kadib ayaa waxaa dhacay dil kale oo aano ah, oo la xiriira dil kale oo horey magaalada uga dhacay.

Wariyaha VOA-da Nuur Xassan Nuur ayaa arrintan ka wareystay Bashiir Cali Daahir oo ah tifaftiraha Radio Jowhar.

Dilal xiisad abuuray oo maanta ka dhacay Jowhar
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:23 0:00


XS
SM
MD
LG