Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bankiga Dhexe oo amar kasoo saaray ganacsiga Forex


Bankiga Dhexe ee Somalia
Bankiga Dhexe ee Somalia

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa amray in la xiro xisaabaadka shirkadaha ka ganacsada sarrifka lacagaha qalaad ee online-ka, loona yaqaan Forex, kuwaas oo dhowaanahan kusoo kordhayey magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo isaga oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta la hadlay VOA ayaa sheegay inay soo gaartay cabashooyin ka dhan ah shirkadahan oo ay soo gudbiyeen shacabka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin wax ogolaansho ah oo Bankiga uu u siiyey shirkadahan inay ka ganacsadaan sarrifka lacagaha.

Sahra Cabdi Axmed ayaa waraystay guddoomiyaha.

Bankiga Dhexe oo amar kasoo saaray ganacsiga sarrifka Online-ka
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:37 0:00


XS
SM
MD
LG